Isku socodka waddooyinka muhiimka ah eemagaalada Muqdisho ayaa hakad galay shalay, kaddib markii ay halkaas isku soo baxyo ka sameeyay qaar ka mid ah wadeyaasha mooto bajaajta oo aad u careysan.
Bajaajleyda mudaaharaadka sameeyay ayaa ka cabanayay qiimaha shidaalka oo aad u kordhay maalmihii dambe, waxay shalay u ahayd maalin ay shaqo joojin sameeyeen, sidoo kalena xirteen waddooyin muhiim ah, laga soo billaabo Taleex ilaa km4.
Dibadbaxyaashu waxay sheegeen in cabashadooda ay dhagaha ka fureystay kooxda Riddada Soomaaliya, inta qiimaha shidaalka hoos loo dhigayo ayay sheegeen inay sii wadayaan cabashada.
Ganacsatada ayaa lasoo wariyay inay ku andacoonayaan in korkorka ku yimid qiimaha shidaalka uu sabab u yahay colaadda ka taagan bariga dhexe, balse bajaajleyda ayaa sheegay in aad looga badiyay filashadooda, haddana aysan awoodin inay shaqeeyaan, maadaama uu qiimaha shidaalku cirka marayo.
Intii ay socdeen isku soo baxyada, waxay maleeshiyada kooxda Riddada ah, qabqabteen qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa dhigayay, muuqaallo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinayay maleeshiyaadka Booliiska Riddada oo jirdil u geysanaya bajaajleyda, qaar na xiraya.
Tallaabadaas waxaa cambaareeyay madaxii hore ee kooxda Riddada murtad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Riddada.
Murtad Farmaajo ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay nuqul ka mid ah ku yiri” Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka magaalada Muqdisho, xilli ay maanta si nabad ah u soo bandhigayeen cabashadooda ku aaddan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee ay la halgamayaan. ”
Dhankiisa murtad Cabdiraxmaan Cabshakuur oo isagana cambaareynaya xarigga murtadiinta kula kaceen bajaajleyda ayaa yiri “Waxaan cambaaraynayaa gacan ka hadalka looga hortegay cabashada dhallinyarada iyo xarigga loo gaystay qaar ka mid ah wadayaasha Bajaajta ee maanta mudaharaadka silmiga ah sameeyey iyo saxafiyiinta madaxa-bannaan oo tabinayay. Bajaajleeyda waa dhallinyaro shaqadooda abuurtay, waa canshuur bixiyayaal ay tahay in cabashadooda dowladdu si dhab u wajahdo ee ma aha in la cabburiyo si xaqooda loo duudsiiyo.”
Kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa lala xiriirinayaa inay qayb ka tahay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee magaalada Muqdisho, madaxda ugu sarreysa Riddada ayaa sannadadii dambe lacago dheeraad ah dul-saarayay badeecadaha kasoo dega dekadda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.