Wararka ka imaanaya waddanka Kenya ayaa sheegaya in la khaarajiyay mid ka mid ah baadariyeyaasha Kiristaanka Kenya, waxaana dilka baadarigan oo lagu magacaabi jiray John Maina uu si gaar ah uga dhacay degmada Igwamiti Parish ee ka tirsan magaalada Nyahururu.
Waaxda dembi barista dowladda Kenya ee loo yaqaan DCI-da ayaa sheegtay inay billowday baaritaanno la xiriira kiiska dilka ah ee loo gaystay baadariga, waxaana maydka baadarigan laga helay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Nakuru iyo Nairobi, nabaro dhanka madaxa ah ayaana ka muuqday maydka la helay.
Dhanka kale, ugu yaraan 2 xubnood oo Kenyaan ah ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay magaalada Lurambi ee ka tirsan ismaamulka Kakamega ee dalka Kenya.
Wararku waxay sheegayaan in dilka loo gaystay labada xubnood mid ka mid ah uu beegsaday waardiye ilaalinayay goob shidaalka lagu iibiyo, koox lagu sheegay burcad ayaana xilli habeen ah weerartay waardiyahaasi, waxayna ku weerareen meel wax yar u jirta saldhigg Booliis, halkaas ayayna ku dileen.
Kenya waxay ka mid tahay dalalka Africa ee ay ku xoogganyihiin dilalka iyo dhaca baahsan, dilalka ka dhaca gudaha dalkaasi ayaa isugu jira kuwa dhex-mara kooxo iyo ciidamada ammaanka iyo kuwa kale oo burcaddu u gaysato xoola dhaqatada, beerallayda iyo qaybaha kale ee bulshada.