Waxaa isa soo taraaya faahfaahinnada kasoo baxaya dagaallada ka holcaaya gudaha dalka Itoobiya, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayaan warar sheegaya in khasaare xooggan la gaarsiiyey ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya.
Waaxda xiriirka dadweynaha ee Jabhadda Xoraynta Oromada ee magacooda loosoo gaabiyo (OLA) ayaa ku dhawaaqday in ay dhegta dhiigga u dareen 412 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, 502 askari oo kalena ay dhaawaceen, kadib dagaallo qaraar oo socday muddo toban maalmood ah oo ka kala dhacay deggaannada Wollega, Shawa, Arsi, Hararge, Borena, Guji iyo Wollo.
Hawlgalkan oo loogu magac-daray “Hawl-galka Kunka Jiho” ayaa muddadii uu socday nolosha lagu qabtay 75 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkan kasoo baxay Jabhadda xoraynta Oromada, kaas oo la baahiyey sabtidii shalay.
Bayaanku sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in muddadii lagu jiray bishan lasoo dhaafay, in ka badan 35 dagaal oo waaweyn ay ka dhaceen deggaannadaasi, gaar ahaan siddeedda talis ee hawlgalladani ay ku wajahnaayeen.
Jabhadda Oromadu waxa kale oo ay shaacisay in ay dagaalladan kula wareegeen hub iyo saanad millateri oo aad u fara badan, kuna jiraan boqollaal qori oo AKM ah, qoryaha Sniper-ka (Liifka/Shiishka), qoryaha fudud iyo rasaas fara badan, kuwaas oo dhammaantood xoojinaya sii socoshada hawl-gallada ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhinaca dawladda Xabashida Itoobiya ilaa hadda wax jawaab ah kama aanay bixin sheegashada Jabhadda OLA, Waxaanay weerarradani imanayaan xilli dhinaca gobolka Amxaaradana ay ka socdaan hawl-gallo ballaaran oo Jabhadda Fano ay si weyn ugu naafaysay ciidanka dowladda.