Siyaasiyiin ka kooban 30 xubnood ayaa soo saaray warsaxafadeed wadajir ah, kaasi oo ay ku muujinayeen dhibaatooyinka ka taagan deegaannada uu ka arrimiyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland.
Xubnahan waxay bayaankooda ku xaqiijiyeen in maamulka uu hoggaamiyo murtad Siciid Cabdullaahi Deni uu ku howlan yahay boobka iyo iibinta dhulalka danta_guud ee kuyaal gobolka Mudug.
Waxay maamulkaasi ugu baaqeen in uu ka istaago boobka iyo xaraashka dhulka uu ku hayo dhulalka Danta_guud, hannaanka uu maamulkaasi u marayana ay tahay mid aan sax ahayn.
Nuqul ka mida qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintan ayaa lagu yiri”Waxaan ogsoonnahay in ay jiraan dhulal dowladdu gadeyso, iyadoo aan loo marin hannaan sax ah. Haddaba waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo iibka dhulalka aan dadka gobolku xog ogaal u ahayn, waxna loogu qabaneyn,”.
Boobka dhulalka danta_guud ee lagu eedaynayo murtad Siciid Deni iyo maamulkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay taagnayd hadal-haynta in uu maamulkaasi xaraashay saldhig kuyaal bartamaha suuqa magaalada Gaalkacyo dhinaca uu ka arrimiyo maamulkaasi.
Madaxda kooxda Riddada Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo sidoo kale saraakiisha murtadiinta ayaa ka siman boobka hantida danta_guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay.