Howlgal qarax ah ayay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa (Boolis Militaaro) loogu yeero.
Inta la xaqiijiyay waxaan howlgalkan qarax ah ku dhintay ilaa 5 askari oo murtadiin ah, halka ugu yaraan 5 kalana ay ku dhaawacmeen, waana mid ka mid ah howlgallada ciidan ee ay mujaahidiintu ka wadaan magaaalda caasimada ah ee Muqdisho.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax ciidamada mujaahidiintu la eegteen guriga uu guddoomiyaha maamulka Riddada ee magaalada Marka murtad Cusmaan Muuse Maxamed uu ka deggan yahay isla degmadaasi, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay laba kamid ah ilaaladiisa.