Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shabaabul mujaahidiin ay ku qaadeen xerada askarta maamulka koonfur galbeed iyo midda dowlada federaalka ee deegaanka daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ee wilaayada Baay iyo Bakool.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay sagaal askari waxaana lagu dhaawacay Afar iyo toban askari kuwaasi oo wada ah murtadiinta, Waxeyna Mujaahidiintu weerarkaas ku gubeen gaari cabdi bile ah.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxey gacanta ku dhigeen oo ay soo ganiimeysteen hub iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.
Intii weerarka uu socday waxaa baydhabo gurmad ahaan uga soo baxay askarta ridada balse kamiin iyo qarax ayaa lala beegsaday waxaana laga dilay Saddex askari saddex qorina waa laga furtay.
Calamada.com