Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya camaliyad Istish-haadi ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday duleedka degmada Afgooye, taasi oo lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Uganda.
Camaliyaddaasi barakaysan waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay 14 askari oo Yugaandhees ah oo uu ku jiray sarkaal ciidan, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa 7 kale oo Yugaandhees ah.
Waxaa sidoo kale camaliyaddaasi ku dhintay ilaa 6 askari oo maleeshiyada Riddada ka tirsanaa, halka ay sidoo kale camaliyaddu ku gubteen dhowr gaadiid ah oo ay lahaayeen ciidamada Kuffaarta kuwaasi oo kala ah, gaari Taangi ah, gaari Tow ah iyo gaari Taangi xambaar ah, waxaana sidoo kale waxyeello gaartay gaari kale oo Taangi ah oo ciidanka Uganda ay wateen.