Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab iyo ciidamo huwan ah oo isugu jiray saliibiyiinta Uganda iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Dagaalladu waxay ahaayeen kuwa aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana Allaah fadligii dagaallada lagu jabaiyay ciidanka huwanta ah ee ka kooban kuffaarta Yugaandha iyo maleeshiyada Riddada.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaallada lagu jabiyay kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Riddada lagu dilay 13 askari oo Yugaandhees ah, halka lagu dhaawacay ilaa 18 kale oo kuffaarta ka tirsan, waxaa sidoo kale dagaalladii shalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye ku dhintay saddex askari oo murtadiin ah.