Inta la hubiyay ugu yaraan saddex askari oo murtadiin ah ayaa dhimatay halka 40 kalana ay dhaawacmeen, kaddib markii uu rogmaday gaari nooca ciidanka daabula gaar ahaan BG, kaasi oo ay ka buuxeen maleeshiyaad murtadiin ah.
Gaariga BG_ga ayaa xilliga uu rogmanayay marayay deegaanka Cali-ganey ee u dhaxeeya degmooyinka Beledweyne iyo Moqokori, waxaana sidoo kale dhacdadaas dhimasho ku noqday dad shacab ah oo waddada marayay.
Dhimashada dadka rayidka ah ee ku dhintay gaariga ay la socdeen murtadiinta ayaa lagu sheegay ilaa laba xubnood, waxayna xilligaas marayeen waddada uu ku rogmaday gaariga ciidan ee ay wateen maleeshiyaadka murtadiinta.