
Howlgallo qaraxyo ah ayay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo gobolka Sh/dhexe, kuwaas oo Allaah fadligiis lagu beegsaday maleeshiyo murtadiin ah, laguna dilay ugu yaraan shan askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadka la beegsaday.
Qaraxa koowaad waxay ciidamada mujaahidiintu caawa ka fuliyeen xaafadda Tabeelaha Sheikh Ibraahim ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday fariisin maleeshiyaadka Riddada ee (Boolis Militaaro) ay ku sugnaayeen, waxaana qaraxaasi ku dhintay 2 askari, mid kalana waa uu ku dhaawacmay.
Qaraxa labaad waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka degmada Cadalle ee Sh/dhexe, waxaana Allaah fadligiis weerarkaasi qaraxa ah lagu gubay gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyada murtadiinta ee Danab, waxaana qaraxaasi ku dhintay ilaa saddex askari oo murtadiin ah.