Shil sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa habeennimadii xalay ka dhacay agagaarka isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa lagu soo warramayaa in uu dhacay kadib markii gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah uu goostay fariinka isla markaana uu dardaray Mooto bajaaj sidday askari ka tirsan maleeshiyaadka riddada.
Baabuurkan xamuulka ah ayay wararku tibaaxayaan in uu dul-maray mooto-bajaajrta, halkaasna uu ku geeriyooday askarigii murtadka ahaa iyo weliaba dirawalkii mooto-bajaajta, waxaana sidoo kale goobtaasi ku dhaawacmay 3 qof oo shacab ah.
Goob-jooge la hadlay warfidiyeenka ayaa ka warbixiyey sidii uu shilkaasi u dhacay iyo weliba khasaaraha uu geystay waxaanu yiri:
Gaarigan xamuulka ah ayay wararku sheegayaan in uu rarnaa, kaas oo raashin kasoo qaaday dekedda magaalada Muqdisho.
Shilalka baabuurta ayaa aad ugu fara batay gudaha magaalada kaddib markii kooxda Riddadu ay xiratay badi waddooyinkii halbowlaha ahaa ee magaalada Muqdisho.