Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa soo saaray bayaan hal bog ka kooban, kaasi oo ay Al-kataa’ib ku ballanqaadayso 50 sanno kaddib dilkii culimada inay baahin doonto filim Dokumentari ah oo cusub.
Waxaa bayaanka nuqul ka mid ah lagu yiri” Hadaba iyada oo ay 50 sano ka soo wareegatay hirgelintii xeerka qoyska iyo dilkii culimada xaqa u istaagay, maxaa dalka iska bedelay? Maxay ku kala duwanyihiin nidaamkii shuyuuciga ahaa ee culimadii laayay, aayadaha Qur’aankana inkiray iyo nidaamka dimoqraadiga ah ee uu Xasan Gurguurte maanta hogaaminayo? Su’aalahan iyo kuwa kale waxay Mu’assasada Al-Kataib dhowaan ku bidhaamin doontaa dokumentari ku saabsan dhacdooyinkii 1975 ee gilgilay geyiga Soomaaliyeed iyo mahadhooyinkii ay reebeen”.
Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka.
Ama hoos ka akhriso.