Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay maanta oo Khamiis ah nawaaxiga deegaanka Birta-dheer ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo qarax kula beegsadeen gaari cabdibile ah oo ay si gaar ah u leedahay madaxtooyada Riddada Jubboland.
Qaraxaasi Allaah fadligiis sidii loogu talagalay u beegsaday murtadiinta, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay saddex askari oo maleeshiyada Riddada maamulkaasi ka tirsanaa halka ay ku dhaawacmeen 4-kale, waxaana gabi ahaan ba burburay gaariga Cabdi balaha ee qaraxa uu haleelay.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar qarax ah ku beegsadeen saldhig ciidan oo maleeshiyada Riddada ku leeyihiin suuqa Siigaalle ee magaalada Baydhaba, khasaare soo gaaray murtadiinta ayaa jira.