Inta la hubiyay ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay halka tiro kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kaddib markii diyaarad nooca xamuulka qaad oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo UPS ay ku burburtay garoonka magaalada Louisville, ee carriga Maraykanka.
Diyaaraddan ayaa maanta isku dayday inay ka duusho garoonka caalamiga ah ee Louisville waxayna kusii jeeday gobolka Hawaii, balse wax yar kaddib markii ay duushay ayay burburtay sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo maxalli ah.
Masuuliyiin American ah ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay kordhi karto, waxayna intaas ku dareen inay ku guuleysteen deminta dabkii ka dashay burburka diyaaradda, baaritaannona ay billaabeen.
Shirkadda UPS, ayaa dhankeeda sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda 3 xubnood oo shaqaalaheeda ka mid ah, kana mid ahaa duuliyeyaal saarnaa diyaaradda, weli lama xaqiijin bay tiri inay badqabaan ama ay ka mid yihiin dadka dhintay.