Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay maanta ilaa saddex qarax la beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku sugnaa deegaanka Lafoole ee dhaca duleedka Muqdisho, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay ilaa 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo qarax ah la eegteen bar Control oo maleeshiyada Riddada ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Waxay sidoo kale, ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax barakaysan ku beegsadeen fariisin ciidan oo maleeshiyada Riddada kaga suganyihiin degmada Yaaqshiid, waxaana dhawaqa qaraxaasi laga maqlay qaybo ka mida degmadaasi.
Dhanka Bakool, Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayadaasi waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyada Riddada degmada Waajid, dhawaqa hubka la isku adeegsanayay dagaalka ayaa si wayn looga maqlayay magaalada Waajid.