Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Abiy Axmed Oo Wacad Ku Maray Soo celinta Marin-badeed Uu Sheegay In Sharci-darro Ay Ku Haysato Eritrea.
  • Allposts
  • Warar

Abiy Axmed Oo Wacad Ku Maray Soo celinta Marin-badeed Uu Sheegay In Sharci-darro Ay Ku Haysato Eritrea.

October 29, 2025

R/wasaaraha dawladda Xabashida Itoobiya gaal Abiy Axmed ayaa mar kale ku dhawaaqay in dalkiisu aanu kusii jiri doonin go’doon badeed isla markaana ay ku hawlan yihiin xaqiijinta marin-badeed ay iyagu leeyihiin oo aanay cidna u daba-fariisan. Waxaanu weerar afka ah ku qaaday Eretariya oo uu tilmaamay inay sifo sharci-darro ah ku haysato Bad uu sheegay in Itoobiya ay leedahay.

RW Abiy Axmed oo Talaadadii shalay khudbad ka hor-jeediyey golaha dawaaqiidda ee baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in uusan jirin diiwaan rasmi ah ama go’aan hay’adeed oo caddeynaya sida Itoobiya ay u weyday marinka Badda Cas. Waxaanu yiri:

“Luminta Itoobiya ee marinka Badda Cas, wuxuu yimid kadib halgan socday in ka badan 30 sano, sida aad dhammaantiin ogtihiin. Intii lagu jiray 30-kaas sano ee colaadda, khasaaraha Itoobiya wuxuu ahaa mid si tartiib tartiib ah u sii socday. Si kastaba ha ahaatee, ma aaminsani in dib-u-soo-celinta wixii lumay ay qaadan doonto 30 sano oo kale.”

Mar uu R/wasaaraha Itoobiya ka hadlayay Eretariya iyo sidoo kale sheegashadiisa dekedda Casab waxa uu yiri “Eretariya si aan sharci ahayn ayaa loogu wareejiyey dekedda Casab, markii aanu si walba u baarnay, waxa noo soo baxday in si sharciga baal-marsan loogu wareejiyey. Ma jirin baarlamaan u ansixiyey, ma jirin afti laga qaaday shacabka Itoobiya, mana jirin cid ansixisay, markaa sharci-darro ayaa loogu wareejiyey, waanuse kasoo celin doonnaa.”

Abiy Axmed waxa kale oo uu soo hadal-qaaday dagaal aad looga digayay muddooyinkan dambe oo Itoobiya iyo Eretriya ay qarka u saaran yihiin in uu ka dhex-qarxo, maadaama bilahan u dambeeyey ay labada dhinacba ku jireen diyaar-garow ciidan oo aad u xooggan. Waxaanu yiri:

“Haddii dagaalku uu qarxo natiijadiisu way caddahay, waanan guulaysanaynaa, ma jirto cid na hor istaagi kartaa. Eretariyana waa dal aan lahayn dhalinyaro iyo dastuur, doorashana aanay ka dhicin, waa dal aan wax rajo ah lahayn, oo uu haysto oday gaboobay, markaa annaga dal aan rajo lahayni waxba nama yeeli karo…”

Intii Gaal Abiy Axmed uu ku gudo-jiray ka-hadalka dagaalka la filayo in uu ka dhex bilawdo labadan dowladood, ayuu fariin u diray madaxweynaha Eretriya Asaias Afawerki, oo uu usoo jeediyey in uu joojiyo hub uu sheegay in uu kusoo daabulayo gudaha Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalalka caalamka ay u bandhigeen in haatan ay wax ku rabaan si nabad ah, balse waxa uu ku goodiyey haddii ay waanwaantu socon waydo ay xaaladdu faraha ka bixi doonto, xalkana laga raadin doono meel adag, waxaanu yiri:

“Maanta waxaan hortiina ka sheegayaa, isticmaalka Badda Cas ee Itoobiya, mid aan laga gorgortamayn inay tahay. Beesha caalamka oo Maraykanku ugu horreeyo, Shiinaha, Midowga Afrika, Midowga Yurub, waxaan u sheegaynaa inay na kala dhex-galaan, oo qaab nabadeed ay arrimahan ku dhammeeyaan, sidaas baan rabnaa. Haddii kooxahani ay dalabkeena fulin waayaan, oo ay ka cagajiidaan, arrintu taas waa ay ka gudbaysaa, tallaabo kale in la qaado ayay noqonaysaa. Hal maalin badda Cas kuma aanaan waayin, hal maalinna kuma helayno. Milyan jeer ayaan idiin xaqiijin karaa Itoobiya Bad la’aan ma ahaan doonto.

R/Wasaaraha Itoobiya waxa kale oo uu ka hadlay ujeedada ka dambaysay samaynta ciidamada Badda, waxaana isagoo arrintaasi ka hadlaya hadalladiisii ka mid ahaa “Shan sanadood ka hor waxa aanu dhisnay ciidamada Badda, umaanaan samayn ciidankan si ay ugu dabbaashaan biyaha..” ayuu yiri Abiy Axmed inta uu kor u qaaday caagad ama qajacle yar oo ay ku jireen biyo uu cabbayey.

Waxa kale oo R/Wasaaraha Itoobiya ka hadlay xaaladda deggaanka Tigreega, waxaanu ku eedeeyey kooxda u dhaqdhaqaaqda xoraynta shacabka Tigreega ee TPLF in ay diiddan yihiin fulinta heshiiskii nabadda ee Pretoria. Waxaanu isagoo u duur-xulaya kooxda TPLF uu sheegay in ay jiraan dad doonayay in isaga ay xukunka ka tuuraan, arrintaas oo uu si adag uga dhiidhiyey.

Khudbadda R/Wasaare Abiy Axmed ayaa kusoo aadaysa xilli uu socdo abaabul dagaal oo aad u xooggan, kadib markii Itoobiya ay wacad ku martay in aanay kusii jirayn go’doon badeed isla markaana ay dagaal kula wareegayso dekedda Casab ee Eretriya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-05-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -07-05-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 27-07-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 27-07-1447H.

January 16, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1447 Hijri.

January 16, 2026
Mareykanka Oo Labaxay Safiirkiisii Soomaaliya Soona Magacaabay Kusime.
  • Allposts
  • Warar

Mareykanka Oo Labaxay Safiirkiisii Soomaaliya Soona Magacaabay Kusime.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada