R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ku celiyey damaciisa gurracan ee bad-raadiska ah, isagoo shaaca ka qaaday in geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuuli doonaan sidii ay ku xaqiijin lahaayeen hadafkaasi.Mar uu shalay khudbad ka hor-jeediyey golaha baarlamaanka Itoobiya, ayuu Abiy Axmed tusaale u soo qaatay buuraha istaraatiijiga ah ee Goolan oo ka tirsan dhulka Suuriya balse haatan ku hoos-jira gumaysiga Yahuudda kadib markii ay xoog ku qabsatay 1967-kii.
Isagoo damacaasi gurracan ku hal-qabsanaya ayuu Abiy Axmed si cad u sheegay in qabsashada buuraha Goolan ay Yahuuddu ka dhex aragtay danteeda amniga, sidaas darteed Itoobiyana ay danteeda qaranku ku xiran tahay biyaha Badda Cas.
Abiy Axmed waxa uu carrabka ku adkeeyey in muhimadda ay buuraha Goolan ugu fadhiyaan maamulka Sahaayinada, ay mid la mid ah biyaha Badda Cas ugu fadhiyaan dawladda Xabashida Itoobiya, doonistoodana aanay ka harsan doonin.
Waxa kale oo uu intaa ku daray in khayraadka la wadaago ay muhiim u tahay gobolka, taas oo tusaale u soo qaatay biyaha webiga Niil oo la ogyahay cunaqabataynta uu saaray dalalka Masar iyo Suudaan, isagoo sheegay in sida biyaha Niilka loo wadaagi doono biyaha Badda Cas.
“Waa arrin kasoo hor-jeedda xeerarka dabiiciga ah in loo maleeyo in Itoobiya aysan Bad rabin,…Itoobiya iyo Badda Cas lama kala reebi karo…” ayuu yiri Abiy Axmed, isagoo intaa ku daray in Badda Cas ay muhiim u tahay dalkiisa Itoobiya.