Wararka ka imaanaya duleedka degmada Saakoow ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 qof ay dhinteen kadib markii doon ay laqallibantay dad ku safrayay biyaha wabiga Jubba.
Dadka dhintay ayaa ahaa sedax haween ah iyo canug yar, qaar kamid ah dadkii shilkaas ka badbaaday ayaa warbaahinta u sheegay in doontu xilli ay socodkeeda si caadi ah uwadatay uu si lama filaan ah ugu dhacay geed biyaha udul sabaynayay.
Maamulka islaamiga degmada Saakoow ayaa ugurmaday dadkii wabiga ku daatay ee doonta qallibantay la socday, wararka ayaa intaas ku daraya in lasoo badbaadiyay illaa 7 qof oo kamid ahaa dadkii doonta la socday.
Dadka doontu laqallibantay ayaa ka amba baxay magaalada Saakoow waxayna kusii jeedeen deegaanno kale oo oo isla gobolka Jubbada dhexe katirsan, dadka deggan wabiga Jiinkiisa ayaa sheegaya in shilkan mid lamid ah uu wabiga Jubba ka dhacay waqti hadda laga joogo afartan sanadood.