Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar madaafiic ah oo ciidamada mujaahidiintu maanta oo Axad ah ku beegsadeen xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn ee ay saliibiyiintu ku leeyihiin Somalia, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay kuffaarta.
Madaafiicda oo ku dhacay gudaha xerada ayaa Allaah fadligiis sababay burburka 3 gaari oo kuwa UN-ka ah, goobta ayayna ku basbeeleen, waxaa sidoo kale gubtay 2 guri oo ay dagannaayeen shaqaalaha UN-ka, xoguhu waxay intaas ku darayaan in weerarka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen shaqaalihii UN-ka ee xilliga duqayntu dhacdaysay ku sugnaa labadaasi guri.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho ayaa lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Booliska Riddada, waxaana qaraxaasi ku dhintay ilaa saddex 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 3 kale, murtadiinta dhintay waxaa ku jiray sarkaal lagu magacaabi jiray Maslax.
Dhanka Sh/dhexe, howlgal qarax ah ayay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Buurane, kaasi oo lala eegtay ciidamo Burundees ah oo lugeynayey, waxaana halkaas ku dhintay saddex askari oo Burundees ah.