Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso; Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Bayaan Kasoo Saaray Gabood Fallada Mareykanku Ka Wado Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso; Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Bayaan Kasoo Saaray Gabood Fallada Mareykanku Ka Wado Soomaaliya.

March 1, 2020

Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaatka ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa soo saaray bayaan muhiim ah oo ku saabsan xasuuqa ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Bayaanka oo ku qurnaa luqadaha Carabiga,Englishka iyo Soomaali ayaa diiradda lagu saaray heerka ay gaarsiisanyihiin duqeymaha lagu gummaadayo shacabka wuxuuna bayaanku soo gudbinayaa tira koob ku saabsan duqeymaha ay geysteen diyaaradaha Mareykanka.

 

Hoos ka akhriso bayaanka oo Afsoomaali ku qoran

 

Gumaadka uu Maraykanku ka geysnayo Soomaaliya!

 

05-Rajab-1441 H (29 February 2020)

 

Allaah sarreeya, wuxuu Qur’aanka Kariimka ku yiri:-

 

(وَلَا يَزَالُونَ يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّىٰ يَرُدُّوكُمْ عَن دِينِكُمْ إِنِ اسْتَطَاعُوا) [البقرة: 217]

 

” Waa inaad annaga nala jirtaa ama aad Argagaxisada la jirto” taasi waa fariintii madaxweynihii Maraykanka George Bush uu jeediyay 20 sano kahor, waana isla mabda’a uu maanta ku shaqaynayo maamulka Trump, iyadoo ay sii korortay duqeymaha diyaaradaha drones-ta ay ka geysanayaan Soomaaliya.

 

Mudooyinkii u dambeeyay, iyadoo ciidamada Maraykanka ku andacoonayaan marmarsiyo waxba kama jiraan ah oo ah la dagaalanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay sii xoojiyeen howlgallada wuxuushnimada ah ee ay ku beegsanayaan dadka shacabka ah ee aan hubeysneyn, kuwaas oo ka dhacaya bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxaana ciidamada Maraykanka ay dadka deggan baadiyaha iyo magaalooyinkaba ku argagax gelinayaan duqeymaha aan loo meel dayin iyo weerarada habeen dheelmadka ah.

 

Inkastoo colaadda uu Maraykanku u qabo muslimiinta ku nool Soomaaliya aaney ahayn wax hadda billowday, hadana waxa layaabka leh ayaa ah heerka dhagarta iyo Nifaaqa ee uu muujiyay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa, magaciisana loo soo gaabiyo AFRICKOM, kaas oo ku adkeysanaya islamarkaana ka dhigaya dadka shacabka ah eeku dhintay howlgalladooda iney yihiin ” bartilmaameed ciidan oo sharci ah”.

 

Laga soo billaabo markii ay ciidamada Maraykanku duullaanka kusoo qaadeen Soomaaliya horaantii sagaashameeyadii, waxay xukuumadihii soo maray Maraykanka u weecdeen marin-habaabin muuqata iyo bayaanaad been ah, oo lagu daboolayo xaqiiqda gabood-fallada ay ciidamadoodu ka geysanayaan geeska Africa, waxaana sidaas ku burburay iney noqdaan il lagu kalsoonaan karo oo xog laga qaadan karo.

 

Inkastoo ay jiraan cadeymo cad cad iyo warbixinno madax banaan, oo ka marqaati kacaya falal dembiyeeyada uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, hadana Saliibiyiintu kama zuulin iney si xishood la’aan ah uga been sheegaan gabood fallada ay ku kacayaan, taas oo banaanka soo dhigtay heerka uu gaarsiisanyahay taag daridooda iyo inay waayeen akhlaaqda iyo hufnaanta toona.

 

Marka lasoo wariyo iney jiraan duqeymo ay dad shacab ah ku waxyeeloobeen, waxay Saliibiyiinta Afrikom kusoo jawaabayaan war saxaafadeed horay loo sii diyaariyay oo ay ku inkirayaan in dad shacab ah ay wax ku noqdeen howlgallada ay fuliyaan, iyagoo ballan qaadaya iney baaritaanno sameyn doonaan.

 

Inkastoo ay sidaas sheeganayaan, hadana majiro hal baaritaan oo ay sameeyeen, Saliibiyiintuna waxay sii wadeen iney gantaallada la dhacaan dadka muslimiinta ah ee ku nool Soomaaliya, iyagoo daadinaya dhiiga dad horleh oo aan waxba galabsan.

 

Marka laga hadlo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulka, weerarada Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya waxaa loo fuliyaa si aan kala joogsi lahayn, ma jiro liis koobaya jaraa’imta uu ku kacayo Maraykanka ee ay kamid tahay in caruurta uu ka qafaasho goobahooda waxbarashada, duqeeyo xarumaha caafimaadka, qaysas dhan uu xasuuqo, islamarkaana dilo hooyooyinka, caruurta, odayaasha Qabaa’ilka, iyo jariimooyinka kuwaas lamidka ah ee uu kula kacayo Muslimiinta.

 

Marka loo eego matkabka Tirakoobka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, inkabadan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee lasoo dhaafay, wuxuu ku beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la lahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

Badi dadka ku dhintay howlgalladaas waxay ahaayeen dad beeralley ah, waxayna tirada guud ee dadka dhintay ka yihiin 37%, waxaa ku xiga dumarka iyo caruurta oo tirada guud ka noqonaya 24.1%, halka dadka reer baadiyuhu yihiin 21.4%.

 

Duqeymaha diyaaradaha Drones,xitaa dadka kale kama soocin kuwa dhimirka looga jiro iyo dadka da’da ah, iyadoo si cad loo diiwaan geliyay horaantii bishan in duqeymo ka dhacay magaalada Jilib lagu dilay gabar dhimirka la’ oo jirtay da’da labaatameeyada ku jirtay, halka uu dhaawac daran oo jirkeedu la doorsoomey gaaray Ayeeyadeeda oo 80 sano jir ah.

 

Sidaba ay duqeymahaas u sababeen dilal argagax leh, waxay kaloo dhaliyeen iney burburaan guryo badan, xoolo badanna baaba’aan, kuwaas oo joogay goobaha ay duqeymuhu ka dheceen.

 

Ka gadaal duqeymihii uu Maraykanku ka geystay wilaayaatka Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab tacsi u direysaa qoysaska ay dadku ka dhinteen, waxaana Allaaha naxriista guud iyo tan gaarka ah naxriista weydiisaneynaa in dadka dhintay uu shahaadadooda ka aqbalo, kuwa dhaawacmeyna uu si deg deg ah u caafiyo, Sabarna ku ilhaamiyo dadkii jeclaa dadkaas shahiiday.

 

Waxaan ku leennahay qoysaska ay dadkooda ku waxyeeloobeen duqeymaha uu Maraykanku geysanayo, waxaad ogaataan in duqeymahaas idin beegsaday aaney ahayn dhacdooyin kama’ ah oo ku yimid xog khaldantay ama hab dhaqan milliteri oo dhif ah, bale ay tahay xamlo abaabulan oo xidideysatay, taas oo ka tarjumeysa naceybka ku abuuran gaalada ee ay u qabaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa doortay iney Shareecada Islaamka noloshooda ku hagaan, Allah sarreeya wuxuu yiri :-

 

(وَمَا نَقَمُوا مِنْهُمْ إِلَّا أَن يُؤْمِنُوا بِاللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ) [البروج، 8]

 

Muslimiinta ku dhaqan Wilaayaadka islaamiga, waxay wacdaro adag oo ku aadan sabarka, adkeysiga iyo ku sugnaanta Iimaankooda, ka hor muujiyeen xamalaatka Saliibiga ah ee is xig xiga, iyagoo ku dayanaya muslimiintii hore ee ku noolaa magaaladii Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi wasalalm, Allaah fadligiisna dhiigooda iyo nafhurkooda ma noqon doona mid dayacma, oo Allaah wuu ka abaal marin doonaa, magacoodana wuxuu ku waarin doonaa safaxaatka Taariikhda ee dhalaalaya!.

 

Waxaan fursadan uga faa’ideysaneynaa in wullaadda Wilaayaadka islaamiga ku dhiiragelinno iney sii laba laabaan dadaallada ay ugu gurmanayaan dadka wax ku noqda duqeymaha diyaaradhaa duuliye la’aanta ah ee Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya, islamarkaana ay la gaaraan adeegyada aasaasiga ah iyo gurmadka deg-dega ah intii ay awoodaan.

 

Wuxuu sidoo kale maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaadka u mahad celinayaa muslimiinta jooga gudaha iyo dibadda ee lasoo xiriiray maktabka, aadna uga fal-galay duqeymaha wuxuushnimo ee uu Maraykanku geysanayo, kuna dhawaaqay in si dhameystiran ay u garab taaganyihiin muslimiinta ku dhiban Soomaaliya.

 

Marka laga hadlo Muslimiinta ku nool Soomaaliya iyo guud ahaan bariga Africa, waxaa lama huraan ah iney dareemaan in siyaasadda arimaha dibadda ee Maraykanka, kuna qotanta Soomaaliya ay ka ballaarantahay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waa dagaal ka dhan ah Islaamka iyo qof kasta oo muslim ah, ha hubeysnaado ama ha gacan marnaado, waxayna u arkaan inuu yahay hadaf sharci ah oo ay beegsan karaan Saliibiyiinta.

 

Sidaas darteed waxaan guud ahaan Muslimiinta ugu naseexeynaynaa, aragtiday doonaan hakala aaminsanaadaane, iney isgarab taagaan walaalahooda Muslimiinta ee wajahaya duulaan cadowtooyo oo ka dhan ah Islaamka, Muslimiintuna waa iney u midoobaan in Soomaaliya ay ka xoreeyaan gumeystaha Maraykanka.

 

Allaah sarreeye wuxuu yiri :-

 

(وَقَاتِلُوا الْمُشْرِكِينَ كَافَّةً كَمَا يُقَاتِلُونَكُمْ كَافَّةً وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ) [التوبة:36]

 

Waxay waqtiyo dheeMuslimiinta Soomaaliya ku tilmaamnaayeen inay si adag ugu dheganaadaan Islaamka. Diintooda iyo caqiidadoodana u adeegaan, tan iyo qarniyadii tagayna waxay Muslimiinta Soomaaliyeed ku suntanaayeen iney yihiin dad leh gobannimo iyo Sharaf, iskana diida iney gorodda u laalaadiyaan gumeystayaasha soo duuley, taasina waa sababta ka dhigtay iney yool u noqdaan xamalada Saliibiyadda caalamiga ah.

 

Dhankeeda, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballanqaadeysaa iney qaaddo dhamaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo bad-qabka Muslimiinta, gumeystahana looga saarayo dhulalka Muslimiinta, iyo iney dadaal ku bixin doonto sidii ay ugu aargudi lahayd dadka birimagaydada ah ee lagu dilay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Maraykanka, ayna sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah gaalada, illaa ay Shareecada Islaamku ka taliso guud ahaan Caalamka.

 

 

Allaah wuxuu yiri :-

 

(وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ كُلُّهُ لِلَّهِ فَإِنِ انتَهَوْا فَإِنَّ اللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ بَصِيرٌ) [البقرة : 193]

 

Maraykankuna waa inuu ogaadaa in bariga Africa ay joogaan halyeeyo kamid ah umadda muslimka ah, oo lamid ah geesiyadiifuliyay duulaannadii Bellidoogle iyo Manda Bay, diyaarna u ah, islamarkaana u hilow qaba iney naftooda u huraan sidii loo joojin lahaa collaada uu Maraykanku ku hayo umadooda, loona ilaalin lahaa nolosha iyo karaamada walaalahooda muslimiinta, Allaah ayaana mowlaheena ah, isaga ayaana na xifdinaya, wuxuuna noo yaboohay inuu libinta naga siin doono gaalada.

 

Allaah wuxuu yiri:-

 

 

قال الله تعالى: (إِنَّا لَنَنْصُرُ رُسُلَنَا وَالَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيَوْمَ يَقُومُ الْأَشْهَادُ يَوْمَ لَا يَنفَعُ الظَّالِمِينَ مَعْذِرَتُهُمْ وَلَهُمُ اللَّعْنَةُ وَلَهُمْ سُوءُ الدَّارِ) [غافر: 51-52]

 

 

وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weeraro Ka Kala Dhacay Duleedyada Muqdisho Iyo Boosaaso.
Next: Sawirro: Xaflad loo Qabtay 15 arday oo Dhammaysay Xifdinta Quraanka oo Jilib ka Dhacday.

Related Stories

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Muuqaalka Maleeshiyo Lagu Weeraray Isbaaro U Tiillay Duleedka Diinsoor.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Maleeshiyo Lagu Weeraray Isbaaro U Tiillay Duleedka Diinsoor.

January 18, 2026
WAR SAXAAFADEED: “Weeraro Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh”.
  • Allposts
  • Warar

WAR SAXAAFADEED: “Weeraro Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh”.

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada