Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen weeraro kala duwan oo lala beegsaday shisheeyaha soo duulay iyo maleeshiyaatka kabo qaadka u ah shisheeyaha, Waxeyna weeraradaas ka dhaceen deegaano kala duwan oo dhaca koonfurta dalka soomaaliya.
Jubbooyinka.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal toos ah ku qaadeen saldhiga kufaarta kenya ee deegaanka hoosingow.
Isla Jubbooyinka waxey ciidamada Mujaahidiintu xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga murtadiinta ee degmada afmadow.
Bakool.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal xoogan ku qaadeen saldhiga murtadiinta ee degmada waajid.
Banaadir.
Howlgal gaar ah oo shalay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho waxey ku dileen murtad lagu magacaabi jiray maxamed deeq kaasi oo ahaa askari ka tirsanaa ridada.
Baay.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey shalay 20 madfac ku garaaceen xerada xabashida itoobiya ee degmada diinsoor