Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta balse ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar kammiin ah u dhigeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaannada Maangaay iyo Ijaara.
Howlgalkan barakaysan ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana la xaqiijiyay in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo weerarka dhabbagalka ah lagu gaarsiiyay ciidamada saliibiyiinta Kenya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weerarka kaddib ay goobta dagaalka soo caga dhigatay diyaarad nooca kuwa qumaatiga u kaca ah, taasi oo goobta ka daabushay maydadka iyo dhaawacyada ciidamada kuffaarta Kenya ee weerarka jidgalka ah lagu beegsaday.