Wararka ka imaanaya waddanka Kentya, ayaa sheegaya in shil baabuur ay galeen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka caafimaadka dowladda saliibiyadda Kenya, murtadka lagu magacaabo Aadan Barre Ducaale.
Wargayska The Star ayaa sheegay in shilka uu si gaar ah u galay mid ka mid ah gaadiid qayb ka ahaa kolonyada wasiirka caafimaadka Kenya oo ay wateen ilaalada Aadan Barre Ducaale.
Wuxuu shilku si gaar ah uga dhacay waddada isku xirta Kisumu iyo Busia, gaar ahaan meel lagu magacaabo Otonglo, khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay shilka.
Ilo wareedyo kale oo deegaanka ah ayaa sheegaya in shilku dhaawacyo kala duwan ku noqdeen qaar ka mid ah ilaalada wasiirka caafimaadka Kenya, wararka qaar na waxay sheegayaan in dhowr ka mid ah ilaalada ay dhinteen inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin, maadama uu shilku dhacay habeenkii xalay.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay mid ka mid ah gaadiidka ilaalada ka hayay wasiirka caafimaadka Kenya iyo gaadiid kale oo madaxa iskula jira waddada uu shilku ka dhacay, burbur xooggana uu gaaray gaadiidkaasi.
Wargayska The Star, wuxuu sheegay in shilkaasi uusan wax ku noqdan Aadan Barre Ducaale, xilliga uu shilku dhacayay ayuu wargaysku sheegay in uu Aadan Ducaale kasoo laabtay munaasabad ka dhacday Rarieda oo ka tirsan ismaamulka Siaya.