
Qaraxyo culus oo gaaraya ilaa 2 qarax oo maanta Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha degmada Buulaburde ayaa lala eegtay bar Control oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada.
Qaraxyadaasi waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay 2 murtad oo saraakiil ah, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo murtadiin ah.
Sarkaalka haystay maleeshiyaadka murtadiinta ee barta Control maanta lagu qarxiyay ayaa lagu magacaabi jiray, Cali Muumin Sharaawe, halka sarkaalka kalena lagu magacaabi jiray Maxamad Nuur Xanaan.
Sidoo kale waxaanu helnay magacyada maleeshiyaadka lagu dhaawacay howlgalkan kuwaas oo kala ah, murtad Yuusuf Xasan Idriis, dhaawaca soo gaaray waxaa lagu sheegay mid garaab ah, Zakariye Cabdi oo uu soo gaaray dhaawac garaab ah, waxaa sidoo kale askarta dhaawacantay ka mid ah Maxamad Cabdiraxmaan, Shaati Cabdi, Mahad iyo Cabdisalaam.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qorsheysan oo qarax ah la eegteen fariisin ay maleeshiyaadka Riddada kaga sugan yihiin magaalada Baardheere, waxaana jira khasaare soo gaaray murtadiinta.