Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in saaka ciidamada mujaahidiintu fuliyeen howlgal culus oo qarax ah, kaasi oo gudaha magaalasda Muqdisho lagula beegsaday kolonyo ka kooban saliibiyiinta Afrikaanta ah iyo maleeshiyada murtadiinta.
Qaraxyada oo ahaa kuwa culus oo gaarayay ilaa 2 qarax ayay ciidamada mujaahidiintu la eegteen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen maleeshiyaadka Riddada iyo ciidamada Kuffaarta Africaanta kuwaasi oo ku socdaalayey xaafada Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxyadan oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay ay si gaar ah u haleeleen laba gaari oo ay kala wateen maleeshiyaadka Riddada iyo saliibiyiinta Africaanta, waxaana jira khasaare gaaray ciidanka huwanta ah.