Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxay saacadihii lasoo dhaafay laba qarax oo culus la beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku sugnaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee dhacda bartamaha dalka Somalia.
Qaraxyada ayaa Allaah fadligiis waxay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, waxaana lasoo wariyay in uu jiro khasaare kala duwan oo qaraxyadaasi kasoo gaaray maleeshiyaadka murtadiinta ah ee la beegsaday.
Qaraxyadan ka dhacay magaalada Beledweyne, waxay kusoo beegmayaan xilli shalay howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Shalambood ee wilaayada Sh/hoose, kaasi oo lala eegtay fariisin maleeshiyaad Riddada ka tirsan ku sugnaayeen, waxaana halkaas ku dhintay ilaa laba askari oo murtadiin ah, halka ay sidoo kalena ku dhaawacmeen 6 kale.