Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka ay muslimiintu leeyihiin balse ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax culus kula beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaarta Kenya, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa buurta Koomoole iyo magaalada Kiyuunga.
Howlgalka qaraxa ah oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayaa si gaar ah u haleelay gaari Kooyal ah oo qori Dhashiika ah uu saarnaa ciidamo Kenyan ahna la socdeen, waxaana isla burburay gaariga iyo qorigii saarnaa, sidoo kale ciidamadii kuffaarta ee la socday gaariga way wada halaagsameen.
Dhanka Sh/hoose, ciidamada mujaahidiintu waxay saaka howlgal qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Wallanweyn iyo deegaanka Warmaxan, qaraxa ayaa si gaar ah u haleelay gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen maleeshiyada Riddada, waxaana jira khasaare murtadiinta soo gaaray.