Dagaalka ka holcaya bariga Dhexe ayaa galay maalintii 27aad oo xiriir ah, kaas oo u muuqda mid sii laba-laxaadsanaya marba marka ka damaysa. Waxaanay Maraykanka, Yahuudda iyo xulafadooda oo isku dhinac ay gantaallo culus is-weydaarsanayaan Iiraan, oo dagaal adag ay kula jiraan.
Iiraan ayaa xalay, ilaa gelinkii hore ee maanta mawjado hor leh oo duqeymo ah ku weerartay deggaannada Falastiin ee Yahuuddu ay xoogga ku haysato. Waxaana muuqaallo la baahiyey maanta ay muujinayaan gantaallada Iiraan oo ku habsanaya magaalooyin ay ka mid yihiin Petah Tikva, Modiin, Qudus, Kafr Qasim, Xeyfa iyo Talaabiib.
Sidoo kale ururka isku magacaabay Xisbullaah, ayaa isna duqayn ba’an u geysanaya Yahuudda waxaanu Eitan Davidi, oo ah duqa degmada Moshav Margaliot oo u dhow xad-beenaadka Lubnaan, kana mid ah dhulka ay Yahuuddu xoogga ku haysato uu si weyn uga cabaaday duqeymaha Xisbullaah ay ka geysato aagaggaasi.
Isagoo ooyaya oo ilmada qubaya ayaa waxa uu yiri “illaa goorma ayaan dagaallamaynaa? Dalka ayaan u dagaallamaynaa, balse ma jirto dowlad na taageeraysa. Waxay burburiyeen Kiryat Shmona, waxay burburiyeen magaalooyinka xadka, Xisbulaahiyeey wax walba waad burburiseen; maxaad samaynaysaan?”
Sidoo kale qaraxyo waaweyn ayaa tan iyo xalay gilgilay dalalka Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Baxreyn, Kuweyt, iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo danaha Maraykanka ee dalalkaasi lagu weeraray gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-qarxiya.
R/Wasaaraha Yahuudda Binyamin Netanyahu ayaa xalay fiidkii ku dhawaaqay in ciidamada gumaystaha Yahuudda uu ku balaarinayo aagga dagaalka ee koonfurta Lubnaan, isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Xisbullaah.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, ayaa sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT, waxay ku weerarreen gudaha Yahuudda, gantaal lagu qoray qoraal looga jawaabayo hadalladii Trump ee la xiriiray inuu wada-hadal la leeyahay Iiraan. Waxaana qoraalka gantaalka lagu qoray uu u dhignaa; “Qof aniga oo kale ah ma raaco ama heshiis lama galo qof adigoo oo kale ah.”
Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa yiri: “Suuragal ma aha inaan cambaareyno duullaanka Ukraine, isla markaana aan taageerno weerarrada lagu hayo Iiraan. Sidoo kale suuragal ma aha inaan dalbano in la ixtiraamo midnimada dhulka Greenland, isla markaana aan ka aamusno marka lagu xadgudbo midnimada Qaza ama Lubnaan.”
Afhayeen militari oo ka tirsan Iran, Ebrahim Zolfaghari, ayaa si cad u sheegay in xaaladda marin-biyoodka Hormuz aysan mar dambe ku laaban doonin sidii hore, isagoo ku adkeystay in Iran ay leedahay go`aanka kama dambeysta ah.
Dulfaghari ayaa isagoo arrimahan ka hadlaya waxa uu yiri “Awoodda bixinta oggolaanshaha maraakiibta waa annaga. Saameynta qiimaha shidaalka iyo ‘ololka’ suuqa tamarta waxay ku jirtaa gacanteenna.”
Wuxuu sidoo kale si toos ah u weeraray dadaallada wada-hadalka ee Maraykanka, isagoo sheegay “Sida aad uga cararaysaan sii socoshada dagaalka, awoodda ciidamadeennu way sii xoogeysanaysaa maalin kasta.”
Donald Trump, ayaa maalmahan dambe u sheegay dad uu si dhow ula shaqeeyo inuu doonayo inuu ka fogaado dagaal daba dheeraada oo ka socda Iran, isla markaana uu rajaynayo in colaadda la soo afjaro toddobaadyada soo socda, sida uu ku warramay wargeyska WSJ.
Ku dhawaad hal bil oo uu dagaalku socday, Trump ayaa si gaar ah ugu wargeliyay la-taliyayaashiisa inuu u arko in colaaddu ku dhowdahay marxaladihii ugu dambeeyay, isagoo ku boorriyey inay ku dhegganaadaan jadwalka afarta ilaa lixda toddobaad ah ee uu si fagaare ah u sheegay, sida uu wargeysku kasoo xigtay dad xog ogaal ah.
Warbaahinta Iiraan ee Tasmin ayaa sheegtay in ilo militari oo Iraniyiin ah ay ka digeen in haddii cadowgu uu qaado tallaabo dhulka ama badda ah oo ka dhan ah Iran, Tehraan ay furi doonto wejiyo cusub, oo ay ku jiraan khatar suurtagal ah oo ku aaddan marin biyoodka Bab el-Mandeb.
Ilahan, ayaa sheegay in Iran ay si buuxda ugu diyaargarowday inay sii kordhiso hawl-galladeeda, waxayna uga digeen Maraykanka in isku dayga xalinta Hormuz ay ku dhamaan karto abuurista xiisad kale oo badda ah oo ka dhacda Bab al-Mandab.
Wargeyska New York Times, ayaa sheegay in Yahuuddu ay dardargelinayso weerarrada ka dhanka ah warshadaha hubka ee Iran, iyadoo ka cabsi-qabta in qorshaha nabadda ee Maraykanku u bandhigay Iiraan uu joojiyo dagaalka ka hor inta aan la gaarin ujeedooyinkeeda muhiimka ah.
Xogta wargeysku waxay xustay in R/Wasaaraha Yahuudda Binyamin Netanyahu uu amar ku siiyay ciidamada millitariga in ay ku dhaqaaqaan 48 saacadood gudahood si ay u beegsadaan barnaamijka nukliyeerka iyo gantaalada Iran.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Caraqji oo ka hadlaya wada-hadalka uu Trump sheegay, ayaa yiri “Ma jiraan wax wadahadal ah oo lala yeeshay U.S, Maraykanku waxa uu farriimaha u soo dirayaa dhex dhexaadiyeyaal kala duwan. Isdhaafsiga fariimaha dhex dhexaadiyeyaashuna macnaheedu maaha in lagala xaajooday Maraykan.”
Isagoo Caraaqji hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Xaqiiqda ah in wada-xaajoodka ay hadda ka hadlayaan uu yahay qirasho guuldarro; miyaanay hore u sheegan is-dhiibid shuruud la’aan ah? Haddaba maxaa keenay inay hadda abaabulaan mas’uuliyiintooda ugu sareysa wada-hadal?
Sidoo kale wasiirka khaarajiga Iiraan isagoo ka hadlay Hormuz waxa uu yiri “Wadamada qaar waxaan u aragnaa saaxiibo, waxaan u ogolaanay inay maraan marin biyoodka Hormuz; Waxaan u ogolaanay Shiinaha, Ruushka, Hindiya, Ciraaq, iyo Pakistan inay dhaafaan. Ma jirto sabab aan ugu ogolaan karno in cadowgeena uu soo maro marin biyoodka Hormuz.”
Geesta kale, dowladda Shiiracada Iiraan ayaa lasoo wariyey inay ku xoojisay jasiiradda Kharg ciidamo, difaacyo cireed iyo miinooyin, iyada oo isu diyaarinaysa hawlgal dhulka ah oo la sheegay in suurogal ay tahay in Maraykanku uu halkaasi ku qaadi karo.