Maalinkii 31 oo xiriir ah ayuu spocda dagaa;lka udhaxeeya dowlada Maraykanka, maamulka Yahuuda oo dhinac ah iyo dolwalada Iiraan iyo xulafadeeda.
Dowlada Iiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro loo aeegsaday sawaariikh xoogan waxay ku garaacday magaalooyinka waaweyn ee sahaayinada lagu deegaameeyay, kuwaas oo ay kamid yihiin Xayfa iyo Talaabiib.
Sawaariikhda ayaa ku hoobatay xaafado katirsan Talaabiib, iyadoo dhaawacyo ay kasoo gaareen dad Yahuud ah , sida ay shaacisay wasaarada caafimaadka sahaayinadana waxaa 24kii saac ee lasoo dhaafay ay sheegtay in ay dhaawacmeen dad ka badan 200 ruux.
Dhanka kale xadka udhaxeeya Lubnaan iyo deegaanada Yahuudu ixtilaalka ku haystaan ee Filistiin waxaa kasoca dagaallo xoogan waxaana halkaasi lagu dhaawacay ilaa lix askari oo sahaayino ah kadib markii la beegsaday taangi ay saarnaayeen.
Qaraxyo waaweyn ayaa sidoo kale xalay ilaa saaka mar kale gilgilay magaalooyin badan oo ku yaalla dalalka Ciraaq, Baxreyn, Kuweyt, Sacuudiga, iyo Urdun. Waxaana xalay si weyn u faafay muuqaallo muujinaya qaar ka mida saldhigyada iyo danaha Maraykanka ee khaliijka oo holcaya.
Dhanka Iiraan wali waxaa sii socda duqeymaha iyadoo diyaaradaha ay beegsanayaan warshadaha kiimikada ah kuwaas oo lagu duqeeyay magaalooyin ay kamid yihiin Tabriiz iyo Dahraan,