Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay maanta weerar culus oo dagaal toos ah ku qaadeen xerada ciidanka saliibiyiinta xabashida Itoobiya kaga suganyihiin garoonka diyaaradaha ee degmada Diinsoor.
xilliga uu weerarku dhacayay waxaa garoonkaasi ka degaysay diyaarad siday wasiiro murtadiin ah, waxanaa halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan.
Dagaalka culus ee ka dhacay xerada saliibiyiinta Itoobiya ee garoonka diyaaradaha degmada Diinsoor, waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay hal askari oo Itoobiyaan ah iyo askari kale oo murtad ah, waana mid ka mid ah weerarada tooska ah ee ay mujaahidiintu ku beegsadaan saliibiyiinta iyo murtadiinta.