Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay waxay weerar xooggan oo kamiin ah la beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku socdaalayay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, halkaas oo askar looga dilay murtadiinta.
Weerarka dhabbalka ayaa si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa magaalada Baydhaba iyo halka loo yaqaano Baru-jeetka, waxaana lagu beegsaday maleeshiyo halkaas ku socdaalayay, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkan Allaah fadligiis lagu dilay laba askari oo murtadiin ah.
Weerarkan jidgalka ah ee loo dhigay Riddada ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan mujaahidiintu ay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Waajid, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.