Ciidamo ka tirsan jabhadda Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, ayaa waxay saacadihii ina dhaafay dagaallo culus oo toos ah ku mireen saldhigyo ciidan oo ciidamada kuffaarta Yugaandha iyo maleeshiyaadka murtadiinta kaga sugnaayeen degmooyin ka tirsan Sh/hoose.
Weerarka koowaad oo ahaa mid qorsheysan waxay ciidamada mujaahidiintu ku mireen xerada ciidamada Kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha ay ka degganyihiin degmada Qoryooley, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarka labaad oo ahaa dagaallo toos ah wacay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku ekeeyeen saldhigyo ciidan oo maleeshiyada murtadiinta ah kaga suganyihiin degmada Jannaale iyo deegaanka Shalambood, dhawaqa hubka kala duwan ee labadan weerar la isku adeegsanayay ayaa si wayn looga maqlayay meelo ka fog fog labada saldhig.
Waxay howlgalladan qayb ka yihiin weerarada habeen-dheelmadka ah ee ay ciidamada mujaahidiintu ku ekeeyaan saldhigyada iyo fariisimaha ciidamada saliibiyiinta iyo kuwa murtadiinta kaga suganyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato iyo buuralayda Silsiladda Goolis.