Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso+Dhageyso: Shabaabul Mujaahidiin Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Ay Daacish Ku Soo Kordhisay Jihaadka Soomaaliya, Go’aana Kasoo Saartay.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso+Dhageyso: Shabaabul Mujaahidiin Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Ay Daacish Ku Soo Kordhisay Jihaadka Soomaaliya, Go’aana Kasoo Saartay.

December 20, 2018

Bayaan ka soo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa looga hadlay dhibaatooyinka kooxda Daacish ay ku soo kordhisay Jihaadka Soomaaliya iyo gaboodfalada ay kula kacday dadka Muslimiinta ee Soomaaliyeed.

Bayaankan oo uu akhriyey afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheykh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa ugu horeyn looga hadlay Jihaadka ka socda Soomaaliya ee lagu hortaagan yahay cadowga hororka ee ku soo duulay wadanka, iyo nafhurka adag ee ay Mujaahidiintu ku bixiyeen ka hortagga duullaanada saliibiga.

Wuxuu tilmaamay in Jihaadka ka socda Soomaaliya uu xaqiijiyey yoolal waaweyn oo ay ugu horeyso in la yigleelay wilaayaat Islaami ah oo lagu maamulo shareecada Islaamka, Umadda Islaamkana u noqday gabaad ay harsadaan iyo meel sharaftooda lagu ilaaliyo.

“Halkaan [Bariga Africa] ayey Mujaahidiin isugu jirta Ansaar iyo Muhaajiriin ka yigleeleen wilaayaat Islaami oo oogaya xuduudda Allaah hadba inta ay awoodaan, dadkana ka haqabtiraya barashada diinta Islaamka, kuna hagaya wanaaga aduun iyo mid aakhiro, cadaalad wax ku xukumaya, midka dulman u hiilinaya, kan daalimka ahna gacan adag ku qabanaya, furimaha Islaamka laga difaacana buuxinaya, Sharafka Muslimiintana ku ilaalinaya Jihaad Allaah dartiis ah” ayuu yiri Sheykh Cali Dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Hadaba iyadoo ay sidaas xaaladu tahay, Mujaahidiintuna ay cadowga Allaah ee saliibiyiinta iyo murtadiinta ah kula halgamayaan goobwalba oo ay isaga hor yimaadaan una dulqaadanayaan culeyskaas ay kala kulmayaan cadowgaas isa soo baheystay ayaa waxaa soo ifbaxay koox isugu yeertay Dowlada Islaamiga, taas oo durbaba bilowday in ay safkii Mujaahidiinta kala jabiyaan fitno iyo tafaraaruqna ka dhex abuuraan, iskuna dayaan in ay kala dhantaalaan awoodda iyo cududa Mujaahidiinta u mideysan la dagaalanka cadowga Allaah”

Xadgudubyada Daacish

Sheykh Cali Dheere ayaa intaas ka dib akhiryey dhowr qodob oo ka mid ah taloobooyinka gurracan ee ay ku dhaqaaqday kooxdan kuwaas oo ay ka mid tahay: Inay baneysteen dhiigga Muslimiinta, inay gaaleysiiyeen Mujaahidiinta iyo bulshada Muslimka ah iyo inay jabiyeen midnimada Mujaahidiinta, talaabooyinkaas oo uu sheegay in ay kala siman yihiin saaxaatka kale ee ay gaartay fitnada kooxda.

“Anagu haddii aan nahay Mujaahidiinta ka jihaadaya Soomaaliya, wax badan ayaan indhaha ka laabanay dhibaatada ay kooxdaasi waday, wax badana waan u sabarnay marka laga reebo dhacdooyin kooban oo aan dulmigooda isaga leexineynay anagoo rajo ka qabnay in ay dib u xisaabtamaan kana soo laabtaan wadada baadida ah ee ay ku sii socdaan balse sabarkeena waxay ka sii qaadeen madax adeyg, colaad iyo inay dulmigii ay wadeen ku sii taraxtagaan” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Wuxuu sheegay in ay Mujaahidiintu u kuurgaleen dadka kooxdaas ka tirsan ee Soomaaliya jooga, islamarkaana xaaladahooda si qotodheer loo dabagaleen, wuxuuna sheegay inay yihiin shakhsiyaat ku caanbaxay beenta, ballan la’aanta, dhagar badan, amaanada khiyaana oo gaaleysiiya dadka cilmiga iyo jihaadka lagu yaqaano, islamarkaana doonaya in ay soo nooleeyaan qabyaaladii ay Mujaahidiintu tirtreen.

Gabaadka Jawaasiista

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “waxay sidoo kale kooxdan gabaad u noqotay Jawaasiista, mufsidiinta, munaafaqiinta, iyo inay xiriir hoosaadyo la leeyihiin maamulada ridada ah, Arintaasna waa mid cad. cid waliba oo midnimada Mujaahidiinta darteed fursad u heli weysay in ay howlo basaasnimo ka dhex sameyso Mujaahidiinta iyaga ayey ku soo hoos gambatay. In badan oo ka mid ahaa dadkii fasahaatka iyo dhagaraha lagu yaqiinayna iyaga ayey hoos galeen, cadowgana waxay u fududeeyeen u jeedooyin uu waxbadan ku taamayey balse ay Mujaahidiintu fursad u siin waayeen inay fushadaan”

Sheykh Cali dheere ayaa sheegay in arinta intaas ka weyn ay tahay in kooxdan ay isku dayday inay dilal qorsheysan iyo dabino dhagareysan ka fuliso wilaayaatka Islaamiga, isagoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen canaasir ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo maleegayey dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo Mujaahidiinta.

“waxay soo direen dad ay ugu talagaleen inay Mujaahidiinta Iqtiyaalaan, qaar badan oo ka mid ah dadkaas gacanta ayaa lagu dhigay” ayuu yiri.

Go’aanka Hogaanka Al-Shabaab

Sheykh Cali Dheere ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay go’aan rasmiga ah ee hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu ka qaatay kooxdan waxaana uu yiri: “Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhamaan ciidamada Mujaahidiinta iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan cudurkaas dillaaga ah ee soo dhexgalay safka Jihaadka, xididadana u siibaan dulmigaas aanan geedka loogu soo gaban ee lagu doonayo in lagu majaxaabiyo mirihii jihaadka ee aan ku soo bixinay dhiiga kumanaan Shuhado ah” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: waa inaan kansarkaas la doonayo in lagu beero safka Mujaahidiinta salka ka jarnaa, cidwalba oo ku howlan qorshahaas gurracan ee aan diinta wax shaqo ah ku lahayn waa inaan kaga hortagnaa kitaab wax hanuuniya iyo seyf u gargaarta”

Kalimadan waxaa la dhageysan karaa muddo 29 daqiiqo ah, waxaana ku lifaaqan Nasuus sharci ah oo isugu jirta aayado qur’aan ah, Axaadiith iyo aqwaasha Culimada Muslimiinta.

Halkaan Ka Dhageyso Kalimada.

Ku Dhageyso Facebook

Halkaan Hoose kalimadda

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Weeraro Culus Oo Ka Kala Dhacay Gudaha Iyo Duleedka Magaalada Boosaaso.
Next: Qarax Lagu Dilay Askar Fara Badan Oo Itoobiyaan Ah.

Related Stories

Maleeshiyada Gurguurte Oo Burburin Ka Gaystay Suuqa Barkaaraha.
  • Allposts
  • Warar

Maleeshiyada Gurguurte Oo Burburin Ka Gaystay Suuqa Barkaaraha.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -30-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -30-07-1447 Hijri.

January 19, 2026
Weeraro Askar Lagu Dilay Gaarina Lagu Furtau Oo Ka Kala Dhacay Duleedyada Afmadoow Iyo Warsheekh.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Askar Lagu Dilay Gaarina Lagu Furtau Oo Ka Kala Dhacay Duleedyada Afmadoow Iyo Warsheekh.

January 19, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada