Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Al-Shabaab: Cidna Xaq Uma Lahan Inay Xaraashto Dhulka Umadda Soomaaliyeed [Akhriso War Saxaafadeed].
  • Allposts
  • Warar

Al-Shabaab: Cidna Xaq Uma Lahan Inay Xaraashto Dhulka Umadda Soomaaliyeed [Akhriso War Saxaafadeed].

February 22, 2024

War Saxaafadeed ku qornaa luuqadda English ka oo nuqul ka mid ah loo qeybiyey warbaahinta ayey Al-Shabaab si cad uga soo horjeedsatay heshiiskii dhexmaray dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ee shaley uu iclaamiyey Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dambiyadii ugu dambeeyey ee xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud ka gashay muslimiinta Soomaaliya iyo madaxbanaanidooda waxaa kamid ah inay markale xaraashtay siyaayadadii wadanka iyo kheyraadkii Umadda kadib heshiis sharci daro ah oo ay la gashay dowlada ridada ah ee Turkiga.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu la mid yahay isla midkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ee xabashida lagu siiyey qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya.

“Isfaham kan xaaraanta ah ee dhigaya in dowladda Turkiga ay si toos ah ula wareegto maamulka dakhliga iyo soohdimaha badda Soomaaliya, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka aaminsan tahay heshiis baadhil ah oo la mid ah -haddiiba uusan ka halis badneen- is-afgaradkii khiyaanada ahaa ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Abiy Axmad.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu qeyb ka yahay damacyada ku beeran xukuumada Ankara ee ku salleysan boobka kheyraadka wadanka.

“Marka meel la iska dhigo hal-kudhegyada beenta ah iyo hadalada afka baarkii ah ee uu ku hadaaqayo Xasan Sheekh Maxamuud, heshiiskan dhexmaray dowladaha ridada ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, ma ahan mid ku salleysan hormarin dhaqaale, iyo difaac qaranimo midna, balse taasi badalkeed, waa muuqaal kale oo soo bandhigaya hanqaltaaga Turkiga ee qabsashada mandiqadda.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka

War Saxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Mudd ka badan 10 sano, Wuxuu Turkiga Soomaaliya ka dhigtay dhul uu uga faa’ideysto danihiisa siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee uu ka leeyahay gobolka, isagoo dhulka la galay dhaqaalihii wadanka, kala dhantaalay dhaqaalihii wadanka, sidoo kalena qalqal geliyey amnigii iyo badqabkii bulshada Soomaaliyeed. Diyaaradaheeda drones ka ayey ku gumaaday maatida Soomaaliyeed ee muslimka ah, halka faragelinteeda dhaqaalena uu sicir barar ka abuuray dalka, fahmajab iyo rajo beelna ku beeray xoogsatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.”

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ogol yahay in la boobo kheyraadka dalka marba haddii isaga uu yahay ninka loo soo marayo dhabaha lagu bililiqeysanayo hantida Umadda. “Heshiiskan wuxuu sidoo kale banaanka soo dhigay laba codleynta iyo munaafaqnimada Xasan Sheekh Maxamuud, iyo in uusan wax dan iyo muraad ah ka lahayn boobka iyo bililiqada lagu hayo dalka iyo kheyraadkiisa, marba haddii uu isagu yahay dullaalka la soo marayo.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Markale waxaa bayaanka lagu yiri: “Heshiiskan wuxuu sidoo kale soo bandhigayaa taya-xumada, taagdaradii iyo sarriig la’aanta waxa loogu yeero dowladda Soomaaliya, taas oo si cad u qiratay in aysan dalka ka difaaci karin cadaawaha shisheeye, wadiiqada kaliya ee lagu difaaci karo dalka iyo kheyraadkiisuna ay tahay inay magangalaan dowlado kale taas oo macnaheedu yahay in loo noqdo wixii la oran jiray Maxmiyada.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii waxaa bayaanka lagu yiri: “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay markale cadeyneysaa in ay diiday heshiiska baadhilka ah ee ay kala saxiixdeen dowladaha ridada ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, ayna markale ku celineyso in cidna aysan xaq u lahayn in xaraashto dhulka Umadda Soomaaliyeed iyo hantida uu Allaah ugu deeqay. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dadka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa -dal iyo dibad meeshii ay joogaanba- inay kasoo horjeestaan is-afgaradkan sharci darada ah si la mid ah sidii ay uga dhiidhiyeen heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -12-08-1445-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -12-08-1445 Hijri.

Related Stories

Dhagayso Andalus Podcast Oo Lagu Waraystay Mid Ka Mid Ah Halyeeyadii Fuliyay Howlgalkii Godka Jilicoow.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast Oo Lagu Waraystay Mid Ka Mid Ah Halyeeyadii Fuliyay Howlgalkii Godka Jilicoow.

October 9, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 17-04-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 17-04-1447-Hijri.

October 9, 2025
Fano Oo La Wareegtay Magaalo Istaraatiijiya Oo Kutaal Gobolka Axmaarada.
  • Allposts
  • Warar

Fano Oo La Wareegtay Magaalo Istaraatiijiya Oo Kutaal Gobolka Axmaarada.

October 8, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)

October 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 31 aad)

September 6, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada