War saxaafadeed kasoo baxay matkabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin kulul loogu diray dowladda Kenya iyadoona loogu baaqay in ay ku cibra qaadato duullaankii weynaa ee Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee deegaanka Manda Bay.
War saxaafadeedka ayaa waxa lagu yiri: “Howlgalkan barakeysan ee lagu qaaday saldhiga ciidamada badda mareykanku ku leeyihiin Manda beey, Kenya wuxuu ahaa gallad Allaah uu ku galadeystay mujaahidiinta. Si loo weeraro camp samba waxey mujaahidiinta soo dhaafeen xerooyin fara badan oo weliba taagdaran oo ay leeyihiin ciidmadiina militeriga Kenya, sababta ay Mujaahidiintu usoo dhaafeen xeryahaas oo ay u weerareen camp simba ayaa ah inaad goob joogayaal iyo markhaati ka noqotaan jabka Allaah uu dusha kaga riday madaxdiina iyo mudanayaashiina mareykanka ah iyo inaad marqaati ka noqotaan taagdarida ciidamada mareykanka ee idin tababara”.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Cutubyada ciidamada gaarka ah ee uu idiin tababaro mareykanka ayaa dhibaato weyn ku haya muslimiinta ku nool Mombasa, gobolada waqooyi bari iyo dhul xeebeedka ay muslimiintu degaan. Waxey ciidamdiina gaarka ah ee mareykanku idiin tababary qeyb ka yihiin dilalka qorsheysan, afduubka, tacdiibka iyo dhamaan gobood fallada loo geysto culimada iyo dadka wax galka u ah muslimiinta aad xooga ku heystaan”
War Saxaafadeedka kasoo baxay maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii Mujahidiinta ay ku qaadeen Xerada Manda Bay uu fariin digniin ah u dirayay dhammaan ciidamada afrikaanta ee dabadhilifyada u ah mareykanka ee ka qeybta ah duullaanka ku heyso muslimiinta ku dhaqan bariga Africa. Waxaad ogaataan baa lagu yiri inuusan mareykanku aheyn xaliif la isku haleyn karo, wuu idinku daneysanayaa, dantiisa markuu gaarana wuu idinku ballan furayaa sida uu yeelay Kurdida YPG.
“Waxaa idinla gudbaan inaad qiimeysaan saameynta uu weerarkan idinku yeeshay, kuma koobnaan doonto saameynta uu ku yeelan doono xerooyinkiina ku teedsan xuduud beenaadka kaliya iyo hakadka ku yimid mashruuca LAPSSET ee lagu kala diray shaqaalo gaaraya 2kun, balse cawaaqibta uu yeelan doono weerarka ayaa intaa ka baaxad weynaan doono insha’Allaah. Waxaad dagaal kula jirtaan ummada muslimka ah oo idil, waxaad maanta dagaal kula jirtaan dhalinyaro luqadiina taqaan, noloshiina iyo dhaqankiina taqaan, balse Allaah dartiis usoo hijrootay”
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Kenya aysan awood dhaqaale iyo mid military intaba u laheyn iney dagaalkan kusii jirto, waxaana loogu baaqay iney ka faaideysato fursada hada ay heysato inta eysan lugaha lasii gelin nolol mugdi ah. “Shacabka Kenya marna nabad kuma noolaan doono, kumana hurdi doono inta aad xooga ku heysataan dhulalka mauslimiinta. Kenya ma ahaan doonto meel loosoo dalxiis tago inta ay dhibaatada ku heyso muslimiinta ku nool mandiqadan” ayaa lagu yiri bayaanka
Warsaxaafadeedka oo dheer ayaa ugu baaqay in ay muslimiinta ku hoos nool gumeysiga Kenya ka fogaadaan xerooyionka iyo xarumaha dowlada iyo gawaarida ciidanka iyo Booliska adeegsadaan sababtoo ah waxey inoo yihiin bartilmaameedyo iyo ahdaaf aan beegsaneyno ayaa lagu yiri bayaanka Waxaana loogu baaqay muslimiinta ku hoos nool gumeysiga Kenya iney u istaagaan sidey u beegsan lahaayeen masaalixda Mareykanka ee Kenya.
Ugu dambeyn warsaxafdeedkan ayaa fariin u diray taliska ciidama mareykanka ee Africa AFRICOM waxaana lagu yiri: “macluumaadka aad faafiseen iyo khasaaraha aad qirateen kama turjumeyso jabkii idinku gaaray Manda beey, waxaa dacfi idinkugu filan dacaayadaadka been abuurka ah iyo macluumaadka khaldan ee aad ka bixiseen khasaaraha idinku gaaray weerarkii Axadii, idinkoo ku marin habaabinaya ra’yal caamka shacabkiina, si aad u dabooshaan itaaldarida ciidankiina, been abuurkiina ayaa ka dhigan quursasho aad quursaneysaan garaadka shacabkiina iyo baroorta qoysasii ay ka geeriyoodeen askartiina lagu laayey howlgalkii barakeysnaa ee Manda Bay”
Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ayaa waxa lagu sheegay in hogaanka sare ee XSHM uu caawa soo saari doono bayaan looga hadlayo duullaankii Simba Camp
guuleysta ehlu towxiidkoow