Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa goordhow weerar cagmarin ah kula wareegay magaalada Maxaas ee muhiimka ah, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyadii murtadiinta ee kusoo jabay degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan.
Weerarka ayaa Allaah fadligiis cagta mariyay maleeshiyadii murtadiinta ee ku sugnaa degmada Maxaas, waxaana magaalada si buuxda gacanta ugu dhigay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Murtadiinta laga saaray degmada Maxaas ayaa saaka lagu soo jabiyay dagaallo ka dhacay duleedka degmada, kuwaas oo isla soo galay magaalada, ugu dambaynna dagaal culus kaddib mujaahidiibtu xoreeyeen degmada Maxaas.
La soco wixii soo kordha.