Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Amnesty Oo Ku Baaqday In Baaritaan Lagu Sameeyo Duqaymaha Turkigu Ka Wado Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Amnesty Oo Ku Baaqday In Baaritaan Lagu Sameeyo Duqaymaha Turkigu Ka Wado Somalia.

May 7, 2024

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’ada loogu yeero Amnesty International ee sheegata inay u dodo xuquuqda aadanaha ayay ku sheegtay In baaritaan ay samaysay lagu ogaaday in xasuuqa ay diyaaradaha dagaalka Turkigu ka geysanayaan Soomaaliya ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in laba weerar oo ay bishii Ramadaan ee la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Turkigu ka geysteen wilaayada Shabeellada hoose ay ku dhintneen 23 qofood oo shacab ah kuwaas oo ay kamid ahaayeen 14 caruur ah, 5 dumar ah iyo 4 rag ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeed 17 kale oo shacab ah kuwaas oo 11 kamid ah ay caruur ahaayeen.

Duqeynta ayay hay’addu baaritaankeeda ku sheegtay in lagu garaacay dad shacab ah oo ku sugnaa beerta Jaffeey oo qiyaastii 3km dhanka galbeed kaga beegan tuulada Baqhdaad ee wilaayada Shabeellaha Hoose, intii u dhaxeysay 8-dii ilaa 8:30 fiidnimo.

“Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya waxaa waajib ku in ay baaritaan ku sameeyaan duqaymahaan lagu hoobtay ayna u qaataan inay yihiin dambiyo dagaal, waana in ay joojiyaan weerarada aan ka fiirsiga lahayn ee lagu beegsanayo dadka shacabka ah” Sidaas waxaa yiri agaasimaha hay’ada Amnesty International u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika.

“Xasuuqaan naxdinta leh waa inaan indhaha laga laabanin. Kuwa ka badbaaday iyo qoysaskooduna waxay mudan yihiin inay helaan run, caddaalad iyo magdhow.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hay’addan ayaa baaritaankeeda ku sheegtay inay waraysatay 12 qofood oo ay ku jiraan 4 dhibanayaal iyo goob-joogayaal ah, iyo afar ka tirsan qoyska dadka ku dhaawacmay duqaymaha. Cilmi-baarayaasha hay’ada ayaa dib u eegis ku sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka iyo warbixinnada caafimaadka, waxay sidoo kale falanqeeyn ku sameeyeen sawirrada dadka ku dhaawacmay duqaymaha iyo hubka loo isticmaalay waxayna xaqiijiyeen in weerarka lagu fuliyay bambooyinka MAM-L glide, kuwaas oo laga soo tuuray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee loo yaqaano TB-2.

“ Bambooyinkaas waxaa soo saaray Turkiga, weerarada aan kala soocaynin bartilmaameedyada militariga iyo dadka shacabka ahna waa kuwo noqon karaan dambiyo dagaal” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sida uu sheegay goobjooge ay wareysatay Amnesty International, duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa abaaro 7:30 fiidnimo waxa ay ku garaaceen masjid ku yaala dhanka bari ee magaalada Baqhdaad, waxaa ay burburiyeen dhismihii masjidka islamarkaana waxay waxyeelo soo gaartay guryo ka ag dhawaa masaajidka. Intaas kadib dad badan oo shacab ah ayaa waxay u carareen beerta Jaffey si ay gabaad u raadsadaan. Duqayntii ugu horeysay ee lagu garaacay beerta ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac. Duqayn labaad oo ku dhawaad 30 daqiiqo ka dib dhacay, ayaa waxaa lagu laayay laguna dhaawacay dad badan oo rayid ah oo ka yimid tuulooyinka deriska ah ee Alifow iyo Gaalgube si ay ugu gurmadaan dadkii ka badbaaday duqaynta koowaad, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen hay’adda.

Taariikhdu markii ay ahayd 5-tii Abriil, Amnesty International waxay warqado u dirtay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, oo ay ku weydiisay in faahfaahin laga bixiyo howlgalkii 18-kii Maarso iyo xasuuqii ka dhacay Shabeellada hoose, balse midkoodna kama soo jawaabin su’aalaha.

Hay’ada ayaa ku eedeysey kooxda ridada Soomaaliya inysan wax garawshiiyo ama magdhaw ah ka bixinin falalka ay geysanayaan ciidamadeeda iyo ciidamada ajanabiga ah ee iyada taageera, sidoo kale inay iska indho tiro xad-gudubyada ka dhanka ah dadka shacabka ah ee aanan waxba galabsanin.

Amnesty International ayaa warbixinteeda ku soo gabagabaysay in ay hore u diiwaan gelisay duqeymo isdabajoog ah oo uu fuliyeen taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM, kuwaasoo ay ku laayeen kuna dhaawacmeen dad rayid Soomaaliyeed ah.

Duqaymaha ay geystaan ciidamada kuffaarta shisheeyaha ah ayaa joogta ka ah qaybo kamid ah wilaayaatka Soomaaliya kuwaas oo intooda badan ay gaystaan wadamada Maraykanka iyo Kenya, balse waa markii ugu horeysey oo warbaahinta reer galbeedka ah iyo hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqda aadana ay tooshka ku ifiyaan xasuuqa ay dhankooda ka wadaan diyaaradaha Turkigu ee lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-10-1445-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-10-1445 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-02-1447-Hijri.

August 20, 2025
Maraykanka Oo Digniin Amni U Diray Dadka Americanka Ah Ee Ku Sugan Kenya.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Oo Digniin Amni U Diray Dadka Americanka Ah Ee Ku Sugan Kenya.

August 20, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-02-1447 Hijri.

August 20, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 27 aad)

August 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 26 aad)

August 14, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025

Sawirro

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada