Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof ay dhinteen 55 kalane dhaawacmeen kadib markii uu dumay mid kamida iskuullada ugu waaweyn magaaladaasi.
Afhayeenka dowladda Kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay loola cararay isbitaallada, wuxuu sheegay in saraakiil boolis ah ay baaritaan ku hayaan iskuulka Precious Talent oo si lama filaan ah udumay.
Telefeshinnada maxalliga ah ayaa soo bandhigay muuqaal muujinayay Meydad iyo dhaawacyo lagasoo daad guraynayo burburka hoostiisa, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay dayacaadda ay ku dhaqaaqayso xukuumadda Uhuru Kenyatta oo dhaqaalihii dalka gelinaysa dhanka ammaanka iskana hilmaamtay wax ka qabashada adeegyada bulsahada.