Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan Ayaa Weerar Culus oo khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay Ciidamada Kufaarta Mareykanka iyo kuwa Maamulka Kaabul ka fuliyay Deegaan dhaca Galbeedka Dalka Afghanistan.
Weerarkan oo loo adeegsaday Qarax culus ayaa sigaar ah kaga dhacay Duleedka deegaanka Duu Naqlacah oo ah deegaan ka tirsan Wilaayada Faryab ee Galbeedka Dalka Afghanistan.
Qaraxan ayey ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan la beegsadeen Ciidamo isugu jirta Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Ridada Kaabul kuwaasi oo duulaan Habeen Dheelmad ah kusoo qaaday Deegaankaasi.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in Qaraxaasi lagu dilay Lix askari oo ka tirsan Saliibiyiinta Mareykanka sidoo kalane waxaa lagu dhaawacay askar kale oo American ah, Iyadoo dhanka Maamulka Murtad Ashraf Gani qaraxaasi ay dhimasho iyo dhaawac kaga noqdeen Tiro Maleeshiyaat ah.
Labadii Todobaad ee u dambeysay Dowladda Saliibiyadda Mareykanka ayaa saraakiil iyo askar dhowr ah ku weysay Weeraro culus oo Ciidamada Mujaahidiinta imaarada Islaamiga Afghanistan ka fuliyeen gooba kala duwan oo ka tirsan dalka Afghanistan.