Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen deegaanka “Buurane” ee Sh/dhexe ayaa lala eegtay ciidamo Burundees ah oo ku dhex lugeynayey deegaankaasi, waxaana qaraxasi ku dhintay ugu yaraan laba askari oo saliibiyiin Burundees ah.
Sidoo kale. waxay cIidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Gedo, saacadihii lasoo dhaafay qarax culus ku weerareen xarunta maleeshiyaadka sirdoonka Riddada ee (NISA) ku leeyihiin degmada Luuq, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 5 askari oo murtadiin ah oo 3 ka mid ah dhaawacoodu garaab yahay.
Dhanka kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay cagta ku mariyeen saldhigga maleeshiyada murtadiinta ee taabacsan saliibiyiinta Kenya kaga sugnaayeeen deegaanka Biyo-madoobe ee hoostaga degmada Faafi ee gobolka Gaarisa, waxayna dhimashadu noqotay 5 askari oo murtadiina, halka mujaahidiintu soo qaniimeysteen 4 qori AK47 ah iyo Qori RPG ah.