Gaari Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyaadka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, ayaa ku rogmaday duleedka magaalada Kismaayo ee wilaayada Jubbada hoose, halkaas oo ay ku dhinteen askar ka tirsanaa maleeshiyadaasi.
Gaariga rogmaday ayaa ku socdaalayay meel u dhow goob lagu qarxiyay gaari kale oo Cabdibile ah, kaasi oo ciidanka mujaahidiintu ku beegsadeen agagaarka deegaanka Birta dheer ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana gaariga rogmaday ku dhintay laba askari oo murtadiin ah.
Gaariga rogmaday waxaa ka horreeyay gaariga kale ee lagu qarxiyay duleedka Jannaay Cabdalle, waxaana halkaas ku dhintay ilaa saddex askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo murtadiin ah, halka uu burburay gaariga Cabdi bilaha ah ee ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen weerarka qaraxa ah.