Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo ay qaraxyo barbar socdeen kuwaas oo shalay siyaaba kala duwan uga dhacay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada maamulka ‘Jubbaland’ iyo maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan lagu gaarsiiyay dagaallada oo ka dhacay hareeraha wadada laamiga ah ee ku dhow deegaanka Baar Sanguuni.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogagga Al Shabaab ayaa weeraro xooggan ku qaadeen ciidamada huwanta ah xilli ay dhaq dhaqaaq ka wadeen deegaanka Baarka, khasaaraha ciidamada huwanta ah ayaa gaaray 5 dhimasho ah iyo dhaawaca 5 kale.
Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaaraha ugu daran uu ciidamada kasoo gaaray qarax ka dhacay meel ku dhow tuulada Araare, saraakiil dagaal geliyaal American ah ayaa qeyb ka ahaa dagaalkii shalay ka dhacay Jubbada Hoose.
Ma ahan markii ugu horraysay oo dagaallo khasaara lagu gaarsiiyo ciidamada huwanta ah ay ka dhacaan duleedyada magaalada Kismaayo waxaana muuqata in shisheeyuhu uu ku fashilmay qorshihii uu ku doonayay in uu ku qabsado dhul hor leh.