Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro isugu jira dagaal toos ah iyo duqeyn la beegsadeen saldhiga maleeshiyaatka Ridada ay ka sameysteen deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Weerarkan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay Labo askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Ridada waxaa lagu dhaawacay Afar askar oo ah isla maleeshiyaatka ku sugan saldhiga Baar-sanguuni.
Duqeynta iyo dagaalka tooska ah ee lala beegsaday saldhiga Baar-sanguuni ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta weearar culus ay la beesadeen maleeshiyaatka dowladda Ridada federaalka.
Weerarkan oo kamiin ah waxa uu ka dhacay afafka hore ee deegaanka Awdheegle oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada hoose, Kamiinkan ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka Ridada.
Calamada.com