Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ka fuliyeen gudaha Degmada Jowhar ee Wilaayada Shabeelada Dhexe.
Weerarkan oo dagaal toos ah waxey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen Bar Controol oo maleeshiyaatka Maamulka Gaala Raaca isku magacaabay Hirshabeelle ay ka sameysteen Xaafadda Hanti Wadaag ee Galbeedka Degmada Jowhar.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr jiha ka weeraray Fariisinkaasi, Iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay Xaafadaha kala duwan ee degmada Jowhar.
Inta la xaqiijiyay Weerarkan waxaa lagu dilay Labo askari oo ka tirsan Maleeshiyaaatka Maamulka Ashahaado la dirirka Hirshabeelle Hal askari oo Murtadiinta Hirshabeelle ka tirsan waa lagu dhaawacay Weerarkaasi.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Gacanta ku dhigay oo soo Ganiimeystay Saddex Qori iyo Booshashkooda iyo Agabyo kale oo ay lahaayeen Maleeshiyaatka Hirshabeelle ee lagu weeraray Barta Controol ee gudaha Degmada Jowhar.
Calamada.com