Weerar qorsheysan oo khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa ka dhacay wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Wilaayada Shabeelada dhexe.
Weerarkan waxaa sigaar ah looga beegsaday isbaaro maleeshiyaatka Murtadiinta ay dhigteen Tuulada Ilbaq oo hoostagta deegaanka Qalimow ee Wilaayada Shabeelada dhexe, Iyadoo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gabi ahaan cagta mariyay isbaarada waxeyna halkaasi ku dileen Saddex askari oo Ridada ka tirsan waxeyna soo ganiimeysteen Saddex Qori.
Isbaaradan la weeraray ayaa aheed isbaaro maleeshiyaatka dowladda Ridada ay si aad ah ugu dhibaateyn jireen dadka iyo gaadiidka ku safra wadadaasi.
Calamada.com