Wararka ka imaanaya magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Booliiska Riddada lagu dilay toogasho ka dhacday xuduud beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Askarta lagu dilay weerarkan toogasho ayaa sida xoguhu sheegayaan waxay ku sugnaayeen bar Control oo halkaasi ugu tiillay, waxaana dilka gaystay nin qori ku hubeysan oo rassaas huwiyay maleeshiyadaas.
Wararka qaar waxay sheegayaan in ragga dilka gaystay ay ahaayeen askar ka tirsanaa maleeshiyaad Muqdisho laga daabulay oo horay kooxda Riddadu u dejisay Ceel-waaq, balse usoo wareegay dhanka magaalada Baladxaawo.
Maamulka kooxda Riddada ugu magacaaban Baladxaawo, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag ay ku eedeynayaan in ay ka dambeeyeen weerarka ka dhacay soohdin-beenaadka ee askarta looga dilay Booliiska Riddada.
Xiisad ka dhalatay dilka ka dhacay xuduud beenaadka ay wadaagaan Balad-xaawo iyo Mandheera ayaa ka taagan magaaladaas, tan iyo markii maamulka magaaladan ay isku qabteen kooxda Riddada iyo maamulka Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Axmed Madoobe, Beledxaawo waxay marti gelisay isku dhacyo hubeysan oo labada dhinac khasaare culus isugu gaysteen iyo weliba dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ba ku noqday isku dhacyada labada dhinac.