Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weeraro cusub oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay ayaa sheegaya in halkaas qarax lagula beegsaday ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Burundi.
Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in qaraxa uu ku dhintay askari katirsan ciidamada Burundi halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Dhinaca kale wararka laga helayo dhulka Soomaalida NFD ayaa sheegaya in weerar cusub lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Melleteriga Kenya.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa madaafiic ku weeraray saldhig ay ciidamada Kenya uga sugnaayeen tuulada Ceelraam ee hoos tagta degmada Ceelqaaloow ee gobolka Mandheera balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka