Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Sabiid oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye.
Weerar qorsheysan ayey Mujaahidiinta ku qaadeen hooyga uu deegaankaas ka deganyahay gudoomiyaha dowladda Ridada ugu magacaaban deegaanka Sabiid.
Gudoomiyaha Murtadka ah ee hooygiisa la weeraray ayaa si dirqi ah kaga badbaaday isku day-ga la doonayay in isaga lagu dilo balse waxey Mujaahidiinta howlgalkaasi ku dileen hal askari oo Murtad ah mid kalane nolasha ayeey kusoo wateen kuwaasi oo ka wada tirsanaa ilaalada gaarka ee gudoomiyaha deegaanka Sabiid.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta howlgalo isugu jira dagaallo toos ah iyo qaraxyo ay ka kala fuliyeen goobo kala duwan oo ka kala tirsan Wilaayaatka Banaadir, Shabeelada hoose iyo Jubbada Hoose khasaara dhimasho iyo dhaawac ay kasoo kala gaartay ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka kooxda Ridada Somalia.
goobaha sida gaarka ah Mujaahidiinta howlgaladaas ay uga kala fuliyeen ayaa kala ah xaafadaha Siisii iyo Laanta Towfiiq oo ka wada tirsan Muqdisho, Dhanka Wilaayada Shabeelada hoose waa deegaanada Calamada iyo Awdheegle, Dhanka Jubbada hoose waa deegaanka Husingow.
Calamada.com