Waxaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay askari katirsan ciidamada dowladda federaalka ee Shisheeyaha Uganda ku wehlinaya duulaanka uu ku qabsaday degmadaas.
Askariga waxaa dilay askari kale oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, kaas oo muran ay soo kala dhexgaleen.
Askariga la dilay ayaa goobta meydkiisa laga qaaday, isagoo la aasay, lamana sheegin askariga dilka geystay halka ay xaaladiisu ku dambeyso.
Inta badan ciidamada dowladda federaalka dhexdooda way is dilaan, taasina waxaa ugu wacan maandooiryaha qaadka ee ay isticmaalaan, iyo iyagoo aan lahayan caqiido walaaleysa, sida ay sheegayaan dadka u dhuun daloola arimaha ciidamada dowladda federaalka.