Maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ayaa weli sii wada dhaca,dilalka iyo tacadiyada ay ugeysanayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.
Wararka ka imaanaya duleedka bari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Riddada ay toogasho ku dileen mid kamida darawallada kaxeeya gaadiidka ka shaqeeya gobollada dhexe xilli uu ku sugnaa isbaarada Galgalato.
Goob joogayaal ayaa sheegay in askari murtad ah uu dilay darawal kaxaynayay gaari nuuciisu yahay Leyla callaawi kaasi oo lagu magacaabi jiray Xuuseen Yuusuf Dheere.
Darawalka ladilay ayaa dhagaha ka furaystay amar uga yimid askariga murtadka ah oo ahaa in uu bixiyo lacago baad ah kuwaas oo ka baxsan lacagta loo yaqaan canshuurta oo qudheedu ah baad.
Xuuseen Yuusuf Dheere oo ah darawalka ladilay ayaa xilligii latooganayay ka yimid magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud sida uu sheegay mid kamida darrawalladii ay saaxiibada ahaayeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka murtadiintu ay isbaarooyin hor leh soo tubeen deegaannada dhanka bari uga beegan Muqdisho sida Waxara Cadde,Galgalato illaa deegaanka Ceelcadda waxayna lacag dheeraad ah uga qaadayaan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha gobolka Banaadir illaa gobollada dhexe